Ileys
Roodo Ibraahim Cabdi Gurey, Afjano
7.may.2007
Ogaadeenya iyo guud ahaan aganka noo gaaxsan
Ugaadhiyo dhirtiyo xoolahaa aradka daaqaaya
In ey Onlf leedahoo uun uunjirtiyo maadhka
Loo oratamaayiyo masnadan lagu ishaaraayo
Anagoon ka oon bixin cidkale iligta saareynin
Ummadaha kunool dunida sow lama ogeysiinin
Dhagihii la owdaayi sow dani ma aabaynin
Indhihii daboolayi sow nama arkaan maanta
Ururkani in uu yahay bulshada aaba korinaaya
Ujeedadu in ey tahay xornimo iyo adaaftiisu
Itaal culus in uu yeeshayiyo aarmi lagu faano
Awoodana ku meel marahayiyo aaladiyo xoogga
Ummadaha kunool dunida sow lama ogeysiinin
Dhagihii la owdaayi soo dani ma aabaynin
Indhihii daboolayi sow nama arkaan maanta
Anshaxiyo in uu kala danbeyn ururku caadeystay
Asluubtana ku soo caana dhamay laguna aasaasay
Aqoon yahanadii loo xuloo waliba loo aayay
Usha kore in ay noo hayaan odayo loo doortay
Oy Siyaasiyiin wada aflaxay hagi umuurtiisa
Awaamiirta iyo maamulkana la ixtiraamaayo
Ummadaha kunool dunida sow lama ogeysiinin
Dhagihii la owdaayi sow dani ma aabaynin
Indhihii daboolayi sow nama arkaan maanta
Isticmaarkan guunka ah sharduu qaato agabkiisa
Ikhtiyaarna aan yeelaniyo aabidnimo buuxda
Shartow aragsamow calankanaga uunka laga duubay
Udubkiisii loo taago oon u alalaasno
Arligiyo inaan ciidanada la isticmaaleynin
Inaan ooda laga qaadi karin oo walada jiifa
Oo ibaha noo tihiin cid kale lagu irsaaqeynin
Ummadaha kunool dunida sow lama ogeysiinin
Dhagihii la owdaayi sow dani ma aabaynin
Indhihii daboolayi sow nama arkaan maanta
[.........Madhamaystirna gabaygani]
NB!Gabaygan waxay utirisay hawlgalkii Cobolo.
Waxa hubaal ah in guubaabada Roodi yahay mid meel ingagtay qoynaaya. Waxay nin reer Hargeysa ah, oo markii burburka naloo gestay jeclaa goosashada, maanta se arka qorshaha gumeysi ee Itoobiya iyo Soomaali oo midba mid cunaayo, iyo dawlad xumada Ina Riyaale. Waxaan jeclaan lahaa in gabayada oo maqal ah lagu baahiyo wabsiteyada ay ka mid yihiin Qaadisiya, ONKOD, KACDOON, SOMALINEWS, BEERDHIGA.
Waxaan Illaahay u baryayaa in dhawaaqa Afjano inoo rumoobo. Guushu waxay ku dambeyn inta wanaaga jecel.
By: AHMED HASSAN on June 3, 2007
at 2:46 pm
Asc!
Ahmed Hassan walaalo aad iyo aad ayaad u mahadsantahay. Saad sheegtayba Roodo afjano waa gabadh gabaygeedu meel dheer gaadhayo. Saas daraadeed haduu Alle idmo waxaan isku dayayaa in aan gabayadeeda meesha ku soo aruuriyo.
Illaahay soomaalida mabda’ooda ha mideeyo! ameen
asc.
By: xoriyo on June 8, 2007
at 5:35 pm
Roodo ilaahay ha ka abaal mariyo, waxay halganka kaga jirtaa haka u horeysa waana abwaanad beenisay oraahdii ahayd gabayga ragga leh dumarkuna waay buraanburaan, taasoo aanan anigu weligay aaminsanayn waayo waxaa taariikhda lagu hayaa gabdho badan oo gabaya oo noolaa jaahiligii carabta sida khansaa.
Waxaan ku soo koobayaa hadalkayga in gumaysi tegi doono goor ay noqotoba.Xoriyaduna waa geed ay mirahiisa gurtaan kuwa u dhinta ubadkoodu.
By: Abwaan Maxamad Bashiir on January 15, 2008
at 10:42 pm
salama caleykum wallaahi gabadhan dhalinta yar waxay ku taxaddineysaa dhamaan caqabooyinka inaga hortaagan xornimada iyyadoo carrabka ku dhufatta kol walba in haddi la halgamo guushu tahay wax la hubo allaha cagaheeda dhulka ugu adkeeyo, waxaan idinka dalbanayaa walaalaha webkan xukuma iney na siiyaan taariikhda abwaanaddan qaaliga ah
mac salaama
By: nibraas on February 4, 2008
at 7:45 pm
waxa aan hanbalyo udirayaa Rooda afjano oo aan leeyahay waxa aan rajaynayaa in anta aad nooshahay ilaahay idinkii ay xorowdo ugaadeeniya ama somali galbeed qofsida uu erayga udhig ma,ihi ugaadeen laakiin waxa aan ahay walaalkaa oo kuulatiiraanyooday markii aan dhegaystay Gabayadaada, waxa aan ku leeyhay hambalyo gabanimo guul solida Ogadan,
By: Ismail on March 8, 2008
at 3:02 pm