Banaanbax ka dhacay Sotuh Africa
Roodo Ibraahim Cabdi Gurey, Afjano
11. 2005
Dacwadii wadanigiyo anoo qiiro igu daaban
Ladilaacayoo cadho dibiray ama ladiidaayaa
dacwad weeye gabaygeygu aan maanta doorbidaye
marna inuu baroor diiq yahaan idin dareensiine
Itoopiyo daraadiyo shaliyo doorkan iyo maanta
Dibin daabyadeey nagu wadaa way is daba jooge
Kola nooma dabacsana anaga digasha mooyaane
Kolba kii dangiigsada kursiga wuu nadilayaaye
Mid waliba wuxuu nala dardari waa damaaciga’e
Kanumbaase ugu daran intaan aragnay doow dhaafe
Dumuqraadiguu sheegan iyo doowlad nimadiisu
Dirqi igu adeec weeyo oo aan ku duudsiyo’e
Duunyadaada’ iyo maalka waa aan dareersado’e
Dookhaaga iyo waa xabaal doonistaadaba’e Duligaa ku qanac weeye oo daayso abidkaaye Anaguna dul noolaanshahaan diidnay leenahaye Doqonkaa bidaarta leh indhaha daamur laga saarye
Daabac baa kafuuliyo qalbiga daxal ka taak roone’
Kimistaa dobooshiyo caqliga daribta cayriine
Wixii uu ka diriraayaybuu nagu dayaayaaye
Dadka lama xasuuqee inaan dabar layeeleynin
Dul iyo hoos usheegnaye dhaguhu uma duleelaane
Dariiqna waan uleenahay xornimo inaan ku daaqnaayeHadal lagu duraantiyo haddaan samuhu deeqayninDagaalbeey markaa waajib tahay inaan ku doonaaye Dad cunkiyo waraabahan bartee ubadka dooxaayaDugaagaa ku nool hilibkanaga walina doonaaya Dube iyo rasaasbeey in badan nagu duqeeyeeneDaah beey hortii sarayeenoy ku dadayeeneXaq in badan daboolaa mar uunbaa la daalacan’e Daawada bal soomaaliyeey saan udubayoownayAfrikaay bal wada daya siduu noogu tuman duulku Dulmigiyo dhibkeey nagu hayaan diiratadan baasiDunidaay bal wada arag koley nama daneeysaane Dadkan uu gumaadaaye’e aan dambiba geeysan Duq gaboobayiyo daa’imaba dakharku saameeye Daran doori qoriga udhacaa nala dabaal siineDumariyo rag waayskugu midoo kama duwaayaaneDahariyo xasuuqii Farmadow ha’udambeeyeeneDaawada bal soomaaliyeey saan udubayoownayAfrikaay bal wada daya siduu noogu tuman duulku Dulmigiyo dhibkeey nagu hayaan diiratadan baasiDunidaay bal wada arag koley nama daneeysaane Itoopiya dareenkiyo markeey sheegan danaheeda Shucuubteey ka soo dayrisee deeqda lagu siiyo Digniinteey abaaraha ka bixin dabada dheeraadayDawarsigu inuu yahay bulshada aad ku dabar goysidDaliilbeynu haynaa cad oo aan dul taagnahayeDaawada bal soomaaliyeey saan udubayoownay Afrikaay bal wada daya siduu noogu tuman duulku Dulmigiyo dhibkeey nagu hayaan diiratadan baasiDunidaay bal wada arag koley nama daneeysaanee Degaankiyo magaalada dhan ee gaaska lagu daaray Daaraha lashidayiyo guryaha layska duminaayo Maatada kadaaduuntayee wada dabeeyshootayBadhna lagu duduubee xabsiga lagu duleynaayo Daawada bal soomaaliyeey saan udubayoownayAfrikaay bal wada daya siduu noogu tuman duulkuDulmigiyo dhibkeey nagu hayaan diiratadan baasi Dunidaay bal wada arag koley nama daneeysaanee Iska daa daryeeliyo inaan daawo filanaayeItoopiyo sideey ugu durdurin maxasta diifaaysanCidna kama dahaadhnoo lamaqal dacadsigeediyeDadka xoolihiisiyo ku nool dooga iyo beertaIyagoo duruufaha ku adag wada dadaalaayaDaruurtana ka faa’iday iyo di’itinkii roobkaDhulkii ay duleelsheen hadduu midhuha soo daayayDalagii usoo baxay shacbigan tacabku soo daalayDabsideey u galisaa hadeey dooni noloshooda Daqsigiyo wayaankaa xun ee noogu yimid doolkaDubkuu uga egyahay aadmi iyo diirka oogade’eDaanyarkan tuutaha lahee nalagu soo daayayHooyo dihanayso oo xaamila ah kama dukhoodaaneDarbadiyo intii lagu daldalo qoriga daabkiisaOoy ganac dilaacdeey ilmaha dibada keentaaye Dambigaa askarigii galana wuu dalacayaayeDarajaaba loo toli si uu dib ugu laabtaaye Daawada bal soomaaliyeey saan udubayoownayAfrikaay bal wada daya siduu noogu tuman duulkuDulmigiyo dhibkeey nagu hayaan diiratadan baasi Dunidaay bal wada arag koley nama daneeysaanee Duntanadi diciiftoo waxaan noqonay doorsooneGabdhihii daruurta u ekaa duushay quruxdiiyeXoog lala duljoogiyo kufsigu waa udibad ooleSida loo dilaayeey hilbuhu wada dilaacaaneDab baa laga sudhaa nasahoo lagu duleelshaaye Danqashiyo xanuunbay qabaan aad udaashaday’e Daawada bal soomaaliyeey saan udubayoownayAfrikaay bal wada daya siduu noogu tuman duulkuDulmigiyo dhibkeey nagu hayaan diiratadan baasi Dunidaay bal wada arag koley nama daneeysaanee Dawadiisa cudurkaa inbadan dunidu goobaysoAnagaa naloo soo diraa ruuxa uu dilay’eDadkaa lagu talaaliyo intaay dumarka soo dhaaftayDuunyadaaba lagu beerayaa aidiskaa daraneDaahbeey hortii saarayeen ooy ku dadayeeneXaq inbadan daboolaa mar’uunbaa la daalacan’e Daawada bal soomaaliyeey saan udubayoownayAfrikaay bal wada daya siduu noogu tuman duulkuDulmigiyo dhibkeey nagu hayaan diiratadan baasiDunidaay bal wada arag koley nama daneeysaanee