Posted by: Xoriyo | March 11, 2008

Geeska Afrika

By Roodo Afjano, 11. july.2007  

Gumeystigu intuu nagu handadi gudaha ciideyda

Gaajiyo anoo qaba haraad aan la goloyoobay

Inta gaadhku naga saaranyahay gaaxdo iyo maadhka

Geeska afrikow nabadi gudhan aad ku gama’daaye

Gulufkiyo colaadahan horaa loo gudoonsadaye

Isla gubo goloomahana jabi oo gunfuro maanta  Read More…

Posted by: Xoriyo | May 12, 2007

Gabay:Banaanbax ka dhacay Sotuh Africa

Banaanbax ka dhacay Sotuh Africa 

Roodo Ibraahim Cabdi Gurey, Afjano 

11. 2005

 Dacwadii wadanigiyo anoo qiiro igu daaban

Ladilaacayoo cadho dibiray ama ladiidaayaa

dacwad weeye gabaygeygu aan maanta doorbidaye

marna inuu baroor diiq yahaan idin dareensiine 

Itoopiyo daraadiyo shaliyo doorkan iyo maanta

Dibin daabyadeey nagu wadaa way is daba jooge

Kola nooma dabacsana anaga digasha mooyaane

Kolba kii dangiigsada kursiga wuu nadilayaaye

Mid waliba wuxuu nala dardari waa damaaciga’e  

Kanumbaase ugu daran intaan aragnay doow dhaafe 

Read More…

Posted by: Xoriyo | May 12, 2007

Gabaygii Ileys, Roodo Afjano

Ileys

Roodo Ibraahim Cabdi Gurey, Afjano

7.may.2007

Ogaadeenya iyo guud ahaan aganka noo gaaxsan

Ugaadhiyo dhirtiyo xoolahaa aradka daaqaaya Read More…

Categories

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.